Waxaa sii xoogeystay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kadib markii…

Waxaa sii xoogeystay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kadib markii uu fashil ku dhamaaday wadahadalladii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Labada dhinac ayaa isku mari waayey arrimo la xiriira aqoonsiga doorashadii Jubbaland ee 2024 iyo qaabka loo wajahayo isbedellada siyaasadeed ee maamulkaas.
Warar soo baxaya ayaa muujinaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo loo sameeyo Jubbaland inteeda kale kaas oo laga hirgelin doono dhulka ay dowladda federaalka gacanta ku hayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Qorshahan ayaa lagu sheegay mid ay DFS u aragto xal siyaasadeed oo lagu dardar gelinayo maamulka deegaanka, isla markaana lagu yareynayo saameynta Axmed Madoobe.
Naasir Cige lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay qorshahan isagoo sheegay in aanay jirin sabab dib loogu laabto wadahadalladii fashilmay. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay u diyaar garowdo dhismaha hoggaan cusub oo ka shaqeeya danaha dadka Jubbaland, isaga oo ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu ku socdo “fikir dalal shisheeye”.
Safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay ku tagay magaalada Kismaayo ayaa markii hore loo arkayay dadaal lagu doonayo in la soo afjaro khilaafka labada dhinac, balse kulankii ay yeesheen ayaa kusoo dhammaaday is-mari waa. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku adkeystay inuusan ka tanaasuleyn doorashadii dib loogu doortay sanadkii 2024, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu isna doorbiday inuusan aqoonsan doorashada iyo madaxtinimada Axmed Madoobe, Arrrintan ayaa sii hurineysa khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.



