Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamadu ayaa aroornimadii 17-ka Agoosto fashiliyay weerar…

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamadu ayaa aroornimadii 17-ka Agoosto fashiliyay weerar ay ku tilmaameen mid ay soo qaadeen kooxo “Khawaarij” ah oo isku dayay inay duullaan ku ekeeyaan Magaalada Baydhabo.
Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in kooxaha weerarka soo qaaday muddooyinkii dambe ay isku dayayeen inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka ay iska kaashanayeen sugidda amniga.
Ugu dambayntiina, War-saxaafadeedka ka soo baxay DFS ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sii wadayaan howlgallada ka socda gudaha iyo daafaha magaalada, kuwaas oo lagu xaqiijinayo xaaladda amni iyo tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la xaqiijiyey inay saaka weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia ku lee yihiin Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.




