DFS oo war ka soo saartay dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

10 February, 2025

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay…

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.

Wasiir Cali Xoosh oo soo jeedinayey bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay inay siweyn u taageersan yihiin hawlgalkaasi, wuxuuna ciidamada ugu hambalyeeyey guulaha waxku oolka ah ee ay ka gaareen Daacish.

“Daacish waddamo badan ayaa looga soo adkaaday, dagaalka Calmiskaadna wuxuu noqon doonaa midkii ugu dambeeyey ee lagu jebiyo, si loo burburiyo waa inaan la dhayalsan halistooda hoosna loo dhigaa khilaafaadyada siyaasadeed”, ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiir Cali Xoosh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”Dagaalkani ma ahan mid Puntland kali u saamaynaya, waa dagaal la xiriira mustaqbalka Soomaaliyeed lehna waajibaad guud, waxaanna soo dhaweynayaa codsigii madaxweynaha ee ahaa taageerada la siinayo Puntland”.