DFS oo waxbarashada muddo kooban ujoojinaysa Doorashooyinka

20 December, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kusoo rogtay in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kusoo rogtay in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir, kadib war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Go’aankan ayaa la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee lagu wado in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.


Wasaaradda ayaa sheegtay in hakinta waxbarashada ay socon doonto inta u dhexeysa 21-ka ilaa 25-ka Diseembar 2025, si loo fududeeyo howlaha doorashooyinka, loona xaqiijiyo in goobaha waxbarashada loo adeegsado si habsami leh hawlaha la xiriira doorashada.


Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ujeeddada xidhitaanka goobaha waxbarashada ayaa ah in laga hortago carqalad kasta oo ku timaadda amniga, isla markaana la hubiyo in howlaha doorashooyinka ay u dhacaan si nidaamsan oo aan saameyn ku yeelan ardayda iyo macallimiinta.


Amarka ayaa sidoo kale faraya dugsiyada iyo jaamacadaha loo asteeyay inay noqdaan goobaha codbixinta in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adaha amniga, si loo sugo nabadgelyada iyo habsami u socodka doorashada.


Wasaaradda Waxbarashada ayaa xaqiijisay in maalmaha waxbarashada la hakiyay dib loo magdhabayo, isla markaana lagu dari doono jadwalka sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si ardaydu aysan wax khasaare ah ugu iman waxbarashadooda.