Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa maanta guddoomiyay kulan looga…

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta dakhliga dalka iyo dardargelinta nidaamka canshuuraha, Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin canshuurta iibka (VAT), canshuurta waddo marista iyo canshuurta kirada guryaha.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ay ku jiraan Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha Xeer-ilaaliyaha Qaranka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Masuuliyiinta ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo adkeyn lahaa nidaamka canshuuraha loona kordhin lahaa dakhliga gudaha.
Waxaa la isla qaatay in si loo hubiyo daahfurnaan iyo sharciyad tallaabo adag laga qaado cid kasta oo lagu helo la baxsi canshuur ama isdaba marin, Arrintan ayaa lagu sheegay mid muhiim u ah ilaalinta dhaqaalaha dalka iyo xaqiijinta caddaaladda cashuuraha.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu heshiiyay in Wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha amniga iyo garsoorka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo horkeeni lahaa maxkamad cid kasta oo ku xadgudubta nidaamka canshuuraha, Tani waxay qayb ka tahay dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo ka hortagga dambiyada dhaqaale iyo musuqmaasuqa canshuuraha.
Masuuliyiinta ka qeyb gashay kulanka ayaa ku adkeystay in la kordhiyo wacyigelinta bulshada ku saabsan waajibaadka canshuuraha, si loo abuuro dhaqan maaliyadeed oo waara, isla markaana dowladda awood ugu hesho bixinta adeegyada ay shacabka u baahan yihiin.



