DFS & Puntland oo kala sheegtay duqaymo ka dhacay Cal-miskaad.

2 April, 2025

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa warbixino ka soo saaray duqaymo kooxda Daacish lagula…

Deni yo Xasan Sheekh

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa warbixino ka soo saaray duqaymo kooxda Daacish lagula beegsaday togga Miraale ee buuraleeyda Cal-miskaad oo katirsan gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland gaar ahaan hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in Puntland oo kaashaanaysa saaxibada caalamiga ah gaar ahaan Maraykanku ay ku guulaystey fulinta hawgallo lagu burburiyey Daacish.

“Duqeyn ayaa maanta ka dhacday aaga Togga Miiraale ee buuralayda Calmiskaad, waxaa lala beegtay xubno ka tirsan Firxad Argagixisada Daacish oo is urursanayey, waxaa duqeynta fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka”, Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland.

Dhanka kalena, qoraal ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in DFS oo kaa shanaysa AFRICOM, ay fulisey duqaymo ka dhacay deegaamo katirsan Cal-miskaad lalana beegsaday Daacish.