Dhakhtar koox hubaysan ku afduubeen gobolka Mudug oo la siidaayey.

3 May, 2026

Dr. Faarax Maxamed Cabdi oo muddo 12 berri ah gobolka Mudug ugu afduubnaa koox hubaysan ayaa…

Dr. Faarax Maxamed Cabdi oo muddo 12 berri ah gobolka Mudug ugu afduubnaa koox hubaysan ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay kadib dedaalo ay sameeyeen qaar kamid ah waxgaradka gobolka Mudug.

Qaar kamid ah dayaal dhaqanka gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in ay kala soo wareegaan maleeshiyaadkii haystay iyadoo isla maanta lagu wareejiyey Mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo Dhakhaatiirtii uu katirsanaa.

Mid kamid ah waxgaradka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa HM u sheegay in degmada loogu qaban doono munaasabad soodhaweyn iyo xaalmarin isugu jirta inta uusan ku laaban degmada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa 22-kii bishii hore ee Abriil laga afduubay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.