Xogagga Macawisleyda ayaa dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab ka bilaabay deegaamo katirsan maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ugu magacaaban maamulka Hirshabeelle ayaa abaalmarin gudoonsiiyay xubno katirsan xoogagga deegaanka ee Macawisleyda oo hawlgallo qorsheysan ku dilay dhagar qabe ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceelka-baar ee dhaca galbeedka magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa xubnahaan fuliyay howlgalka ku wareejiyay laba qori oo AK-47 ah kuwaasi oo qeyb ka ah ballanqaadyadii maamulka gobolka Hiiraan horay ugu sheegay bulshada.
Dhanka kalena, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxa uu si rasmi ah u balan qaaday in abaalmarino la gudoonsiin doono cidkasta oo ka qayb qaadata isla markaana waxyeelo gaarsiisa kooxda Alshabaab.
