Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa soo gabagabeeyey dedaalo nabadeed oo ay muddooyinkii la…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa soo gabagabeeyey dedaalo nabadeed oo ay muddooyinkii la soo dhaafay ka dhex wadeen beelo walaala ah oo diriri ku dhexmartay gobolka Sanaag.
Isimada dhaqanka iyo waxgaradka beelaha oodwaagta ah oo shir muddo dhawr asbuuc ah uga socdey degmada Ceel-buh ayaa ku dhawaaqay go’aamo lagu soo afmeerayo colaaddii xoola daaqeenka Dureera.
Guddigaan dhaqan ayaa go’aamiyey in dhulka u dhexeeya deegaamada Damala-xagarre iyo Carmale uu yahya dhul ay wada degan yihiin labada beelood qolo walbana lagu ixtiraamo meesha ay deggan tahay lana soo celiyo wadajirkii, iyo inaan la magaalayn karin goobaha baraagaha biyaha laga sameeyey.
Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in dooxada Dureera ay tahay xoola daaqeen aan la deegaamayn karin isla markaana dhammaan bulshooyinku si isku mid ah ugu noolaan doonaan.
Ugu dambayntiina guddiga ayaa labada beelood u kala xukumay magta iyo qaanta dhammaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dooxada Dureera ee gobolka Sanaag,