Gudniinka gabdhaha (Female Genital Mutilation) waa caada-dhaqameed soo jireen ah oo dhaawac loogu geysto ama lagu…

Gudniinka gabdhaha (Female Genital Mutilation) waa caada-dhaqameed soo jireen ah oo dhaawac loogu geysto ama lagu jaro qaybo kamid ah xubinta taranka ee gabdhaha yaryar iyadoo aysan jirin sabab caafimaad ama diimeed.
Soomaalida oo caanku ah nooca ugu halista badan gudniinka gabdhaha ee Fircooniga loo yaqaan ayaa caadadaan abka soo gaarka ah u sameeya aaminaado la xiriira ilaalinta sumcadda gabadha, iyadoo ay ka dhashaan Xanuun daran, dhiig-bax, Caabuq, xanuuno maskaxeed iyo galaafasho nololeed (dhimasho).
Khadiijo Cismaan Jimcaale, waa ummuliso dhaqameed muddo ka badan 35 sano ku jirtey shaqooyinka gudniinka gabdhaha, waxayna sheegtay inay jari jirtey dhammaan hilbaha xubnaha gabdhaha si lamid ah sidii iyada lagu sameeyey xilligii ay yarayd.
“Waxaan moodaayey dhaqan wanaagsan oo lagu dhaqmo diinteenuna ay qabto, sidii aniga lay gudey oo hilbahayga dhulka loo dhigay ayaan anah wax u dhigaayey saa wixii ayaa ii hilaacayee, ilaa 6 jir, 5 sano jir wax aan dhaafayey maleh waa gudanay waxaan ku xiraynay, qodxo, cayngeri iyo dunta raashinka laga guro, gabadhii turunturootoo xitaa kufta oo wax ka go’aan dib ayaan dhaawicii ugu soo celinaynay”, Ayey tiri Khadiijo Cismaan Jimcaale.
Hooyo, ayaa markale ka sheekaysay khataro argagax leh oo ay la kulantay muddadii ay kujirtey shaqdaan,”Halisa ka dhashay gudniinadaan sameeyey ma soo koobi karo laakiin waxay iigu darnayd markii gabadhii aan gudey halka saac ee subaxnimo 6 saax oo habeenimo gurigayga laygu soo garaacay, meel qodbaha ka hoosaysaa oo xidid ah ayaan sakiintii taabsiiyey markaas ayuu dhiiggu saas u budlaynayaa, dhulxul ayaan tumay oo ku shubay xoogaa ayuu joogsaday waagu markuu baryey ayaan dhuxushii oo karoor ah dusheeda ka qaaday, qodobkii ugu korreeyey ayaan gooyey markaas ayaan arkay xididkii furnaa kadibna waa tolay”, Khadiijo Cismaan Jimcaale.
Khadiijo Cismaan Jimcaale, waxay ka markhaanti kacday in ficilada gudniinka gabdhah ay mas’uul ka yihiin hooyooyinka oo aan latashi la samayn aabayaasha, iyagoo heshiisyo lagala haweenka gudniinka sameeya oo ay 35 sano kamid ahayd.
“Wax talagelyo ah aabuhu kuma leh waa qarsoodi, maamada dhashay ayaa hawsha qaabilsan oo heshiiska gelaysa oo wakiil ah odayga indhahaba loo saari maayo, hal mid ayaa aabeheed ogaaday intaan gudayey gabdhihiina markay baroorteen ayuu aabihii iyiri hadda iiga gur qodbaha, ugu dambayntiina maalin ayaan dhegaystay Sheekh sheegaya in gudniinku uu yahay xaaraan aan diinta Islaamka sal ku lahayn waana joojiyey guud ahaan.”
HOOS KA DHEGAYSO MAAMO KHADIIJO JIMCAAL

Drs. Asmo oo kamid ah takhaatiirta ka hawlgasha xarumaha caafimaadka Garoowe ayaa ka sheekaysay dhibaatooyinka caafimaad ee ay la kulmaan gabdhaha gudniinka lagu sameeyey, waxaana ay xustay in takhaatiirta casriga ah ay dhibaato ku qabaan adeegyada caafimaad ee loo sameeyo gabdhaha lagu sameeyo gudniinka.
“Dhibaatooyinka gudniinka gabdhaha waxaa loo kala qaadaa labo, kuwa soo deg dega sida in gabadhii dhiig baxdo, shoog ku dhoco, teetane inay qaaddo ama inayba mararka qaar gudniinka u geeriyooto, kuwa daahana waxaa kamid ah kuwa maskexeed, kuwa saameeya dhalmada, caaddada iyo welwel aan dhammaan”, Drs. Asma.
HOOS KA DHEGAYSO DRS ASMA

Ururada maxaliga ah, kuwa caalamiga ah iyo dowladda Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay dedaal xooggan ku bixiyey wacyigelinta la xiriirta joojinta gudniinka gabdhaha, iyadoo la sameeyey shuruuc iyo xeerar taageeraya dedaalada dabar-goynta gudniinta gabdhaha.
Ifraax Cabdinuur Faarax guddoomiyaha dalladda Midnimo Women Network oo ay ku midoobeen 35 kamid ah ururada haweenka Puntland ayaa ka warbixisay dedaalada ururada haweenku ugu jiraan dabar-goynta gudniinka fircooniga ah, caqabadaha ay gabdhuhu kala kulmaan, shuruucda la sameeyey iyo isbedellada dhanka wacyiga ah ee ku yimid ururada Puntland.
HOOS KA DHEGAYSO CODKA IFRAAX CABDINUUR

Wacyigelinta, ka hortagga iyo joojinta gudniinka gabdhuhu waa mas’uuliyad wadareed looga baahan yahay dowladda, hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ururada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo gaaro heer uusan gudniin ka dhicin Puntland.



