Guddiga gacanta ku haya mashruuca dhismaha laamiga Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyey…

Guddiga gacanta ku haya mashruuca dhismaha laamiga Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyey qorshayaal lagu dedejinayo dhammaystirka jidkaasi.
Mashruuca oo horay looga soo bilaabay Ceel-daahir haddana Maraya deegaanka Rad iyo Laako ayaa waxaa hadda jigiisii laga bilaabay Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, iyadoo bartamaha magaalada laga hirgelin doono laami 4KM.
“Waxaan Badhan ka daahfurnay qayb kamid ah mashruuca, qaybtii kale ayaa iyaduna socota waxaana laamiga la dhigayaa 6KM oo diyaarsan, waxaana rajaynaynaa in dhaqso hankii jidu uu inoo hirgalo”, Ayuu yiri xubin guddiga katirsan.
Guddiga gacanta ku haya mashruuca ayaa sheegay in qorshohoodu yahay in labada laami laysugu keeno banaanka magaalada isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero.




