Dhimasho & dhaawac ka dhashay israsaasayn ka dhacday Garoowe.

8 May, 2025

Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku geriyoodey mid kalena waa ku dhaawacmay israsaasayn saaka ka…

Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku geriyoodey mid kalena waa ku dhaawacmay israsaasayn saaka ka dhacday afaafta hore ee saldhigga Koonfureed ee Magaalada Garoowe.

Israsaasayntaan ayaa bilaabatay kadib markii ay saldhigga soo weerareen rag hubaysan oo la sheegay in hawlgallo habeenimadii xalay ka dhacay Garoowe looga xereeyey qoryo ay wateen, sida ay HM u xaqiijiyeen saraakiil laamaha ammaanka gobolka Nugaal katirsan.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay katirsan yihiin taliska ciidanka Gen. Mubaarak Jiqda oo katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo deggan aagga Bixin Garoowe, waxaana ujeedkoodu ahaa inay la baxaan qoryo nooca fudud ah oo xalay looga xereeyey hawlgalladada socda.

Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey inay bilaabeen hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaana ay ciidamada iyo ilaalooyinka Mas’uuliyiinta dowladda ugu baaqeen inaysan hubka ula soo bixin magaalada haddii aysan kujirin shaqo maalmeed rasmi ah.