Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in aysan marnaba ogolaan doonin dibed-bax hubaysan, xilli ay…

Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in aysan marnaba ogolaan doonin dibed-bax hubaysan, xilli ay qaybo katirsan gobolka Banaadir ka socdaan banaanbaxyo lagu dalbanayo joojinta boobka dhulka.
Degmada Dayniile ayaa laga soo weriyey dhimasho iyo dhaawac halkaasi oo ciidanka dowladda ay dadka xoog ku kala eryeen, xilli loo diidey inay gaaraan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo uu kamid yahay Xasan Cali Khayre.

Raysal wasaare hore Kheyre ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda in ay hal qof ku dileen degmada Dayniile, tiro kalena ku dhaaceen ayna ka hortageen banaanbax shacab,”Ma istaagi doono bannaan-baxa waana iska difaacaynaa Xasan Sheekhkh.”



