Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland, odoyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka ammaanka Puntland ayaa maalinkii 2aad ku…

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland, odoyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka ammaanka Puntland ayaa maalinkii 2aad ku sugan deegaanka Roox ee gobalka Mudug oo diriri ku dhexmartay beelo ood-wadaag ah.
Dedaalo nabadeed oo ay wadeen dhinacyada ku sugan deegaanka ayaa la xaqiijiyey inay meel wanaagsan marayaan, waxaana laysla qaatay xabad-joojin iyo in lakala qaado malayshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Roox.
Dhanka kalena, dowladda ayaa magacaabi doonta guddiyo dhex-dhexaadin ah oo ka shaqeeya gogosha wada-xaajoodka labada beelood ee dirirtu dhexmartay, sida ay Horseed Media u sheegeen Mas’uuliyiin katirsan maamulka heer gobol.
Dagaalka deegaanka Roox ee gobolka Mudug ayaa sababay khasaare nafeed oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladdu geysey ciidamo katirsa Daraawiishta Puntland oo ka ambabaxay gobolka Nugaal.



