Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Baydhabo oo guulo sheegtay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo garabka taageersan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa guulo…

28 September, 2026

Maamulka Koonfur Galbeed iyo garabka taageersan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal aroornimadii hore ee saaka ka dhacay qaar kamid ah saldhigyada ay ciidanka DFS iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lee yihiin Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Afhayeenka Madaxtooyada Mamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen kooxo dhagarqabayaal ah, isagoo weerarka ku eedeeyey inay soo qaadeen kooxda Alshabaab.

Dhanka kalena, Xasan Cabdi Maxamed oo ku magacaaban Wasiirka Warfaafinta garabka laftagareen horayna u ahaa afhayeenka Laftagareen ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka wuxuuna sheegay in ciidankoodu ay gubeen gaadiid dagaal oo Turkigu siiyey Somalia iyo qaar kamid ah kaydadkii hubka ee ciidamada ka soo horjeeda ku lahaayeen gudaha Magaalada Baydhabo.