DHISMAHA HAY’ADDA AQOONSIGA DADWEYNAHA PUNTLAND.

9 April, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey: –

1. Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.