Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.9 oo ku dhuftay dalka Filibiin

1 October, 2025

Dhulgariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 6.9 magnitude oo ku dhuftay bartamaha dalka Filibiin ayaa dilay ugu yaraan 69 qof in ka badan 140 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen maanta oo Arbaca ah.

Xudunta dhulgariirka ayaa qiyaastii 19 kiiloomitir (12 mayl) waqooyi bari ka xigta magaalo xeebeedka Bogo ee bartamaha gobolka Cebu.

Waxay ahayd 5 kiiloomitir (3 mayl) moolka dhulka. Dhulgariirku wuxuu dhacay xalay, 9:59 fiidnimo.

Madaxweyne Ferdinand Marcos Jr ayaa tacsi u diray qoysaskii dadkii ku dhintay, wuxuuna u xaqiijiyay kuwa ka badbaaday in la gaarsiin doono gargaar degdeg ah.