Dhuusamareeb oo kulmisay siyaasiyiin ku kala aragti duwan xaalka dalka.

31 December, 2025

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa martigelisey shir heerkiisu sarreeyo oo ay isugu yimaadeen madax…

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa martigelisey shir heerkiisu sarreeyo oo ay isugu yimaadeen madax ka socda dowladda Somalia, dowlad goboleedyada dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Shirka waxaa ka qaybgalay ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, madaxda Galmudug, Waqooyi Bari, Ra’iisul Wasaarayaal Hore, xubno katirsan golayaasha dowladda Somalia iyo marti sharaf kale, iyadoo siweyn loogu gorfeeyey xaaladda Somalia iyo caqabadaha taagan.

Inta badan ka qaybgalayaasha shirka ayaa ka midaysnaa qaddiyadda difaaca midnimada Somalia iyo cambaaraynta aqoonsigii Israa’iil siisay maamulka Somaliland, inkastoo mucaaradku dowladda siweyn ugu dhaliileen inay dhumisay midnimadii gudaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa madasha ka sheegay in hoggaanka sare ee dalku ay muddadoodii xilhaynta dhumiyeen kalsoonidii bulshada aysanna ilaa hadda hayn waddo lagu midaysan yahay oo lagu wayahayo doorashooyinka dalka oo muddo kooban ka dhimman tahay.