Waxaa si rasmi ah maanta u baaqatay munaasabaddii lagu shaacin lahaa urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka…

Waxaa si rasmi ah maanta u baaqatay munaasabaddii lagu shaacin lahaa urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo ay ku midaysan yihiin madaxda sare ee DFS, madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, xubnihii hore ee xisbiga UPD iyo xubno katirsan xukuumadda Dan-qaran.
Qoraal ka soo baxay guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in xafladdu dib ugu dhacday sababo farsamo, ayna ka qaybgalayaasha dib kala wadaagi doonaan xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto.
“Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka waxa uu ku wargelinayaa ergadii ku casuumaneyd shirweynaha Ururka in Xafladdii Shirweyanha ee lagu madlanaa inay dhacdo maanta oo ay taariikhdu tahay 07-May-2025 inuu baaqday. Waxaan ka cudur daaraneynaa dib-u-dhaca, dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa taariikhda iyo goobta lagu qabanayo shirka”

Ilo xogagaal ah ayaa HM u sheegay in lagu hawlan yahay xallinta khilaaf ka dhashay saami qabysiga xilalka ugu sarreeya ee ururka oo uu dood ka keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).



