Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ee Somalia ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad-baxyo lagu…

Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ee Somalia ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad-baxyo lagu cambaaraynayo faragelintii maamulka Yuhuuddu ku sameeyey madax-banaanida Somalia iyo aqoonsigii Somaliland.
Dibadbaxyadii maanta ayaa waxaa ka qaybgalay culimada diinta, waxgaradka dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen wadareed oo ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Muddadii ay socdeen isu-soobaxyadaasi ayaa siweyn loogu cambaareeyey faragelin kasta oo shisheeye, iyaga ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ka qaybgashay dibad baxyada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in aysan marnaba aqbalin kala-qaybin iyo tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka qaranka.



