Dirir ka soo cusboonaatay deegaanka Dhabar-galool ee gobolka Sanaag

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegay inuu ka dhashay dagaal waaberigii hore…

25 July, 2026

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegay inuu ka dhashay dagaal waaberigii hore ee saaka mar kale dib uga qarxay deegaanka Dhabar-galool ee gobolka Sanaag, oo ay muddooyinkii dambe dagaallo soo noqnoqday ku dhex marayeen laba mallayshiyo oo u wada dhashey Beesha Warsangeli.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hub kala duwan, iyadoo gurmadyo dheeraad ah ay gaareen goobta, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalku sii fido, isla markaana uu sababo khasaare hor leh oo soo gaara dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiraan ciidamo dowladeed ama kuwa deegaanka ah oo si rasmi ah u kala dhex galay dhinacyada dagaallamaya, inkastoo qaar kamid ah waxgaradka Puntland sheegeen inay ku hawlan yihiin joojinta colaaddaasi.

Cutubyo katirsan ciidanka difaaca Puntland oo horay loo kala dhex-dhigay malayshiyaadka dirirtu u dhexayso doorweynna ka qaatay xakamaynta xiisadda ayaa maalmo kahor ka baxay deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sanaag.