Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan oo ku burburtay meel u dhow caasimadda Khartoum

26 February, 2025

Shilkan dhimashada sababay, oo ay ilo-wareedyadu u sababeeyeen arrimo farsamo, ayaa kusoo beegmaya xilli ay milatarigu horumarro ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan RSF badhtamaha Suudaan iyo caasimadda.

Diyaarad ay leedahay dowladda Suudaan ayaa ku burburtay xaafado ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaana ku dhintay saraakiil iyo dad shacab ah.

Diyaaradda ayaa burburtay gelinkii dambe ee Talaadadii xilli ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Wadi Seidna ee waqooyiga Omdurman, waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof, sida laga soo xigtay ilo milatari.

Major-General Bahr Ahmed, oo ahaa taliye sare oo ku sugnaa Khartoum, ayaa lagu soo waramayaa inuu kamid yahay dadka dhintay.

Milateriga oo tan iyo bishii Abriil 2023 dagaal kula jiray jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ayaa qoraal soo saartay Talaadadii waxay ku sheegeen in askar iyo dad rayid ah la dilay, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Dagaalka Suudaan oo ay ku dhinteen tobanaan kun ayaa waxa uu qarxay kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhaan iyo taliyaha RSF Mohamed Hamadan Daglo kaas oo salka ku haya qaab dhismeedka dowladda mustaqbalka.

Ciidanka ayaa hadda horumarro la taaban karo ka sameynaya bartamaha Suudaan iyo Khartoum oo ah weerarrada jihooyinka badan ee ka dhanka ah RSF.