Diyaarad Drone ah oo ku qaraxday dekadda dalka Romania

Diyaarad nooca drone-ka ah ayaa ku qaraxday dekedda Constanta ee dalka Romania, iyadoo dhowr diyaaradood oo kale oo aan duuliye lahayn laga helay meel u dhow.

5 June, 2026

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Romania ayaa Jimcihii sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn lagu soo weeraray saaka 10:30 subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee duullaan oo lagu qaado dal xubin ka ah NATO, taasoo walaac ka abuurtay xiisada sii faafaysa ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine una gudbaya dalalka deriska la ah ee qayb ka ah isbahaysiga militariga ee reer Galbeedka.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa ku qaraxday meel u dhow xarun shidaal, iyada oo aan waxyeello geysan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Raed Arafat ayaa sheegay in dekedda dadka laga daadgureeyay kadib qarxaasi.

Dowlada Ukraine ayaa markii dambe sheegtay inay dowlada Romania ku wargelisay in diyaaradan aan duuliye lahayn ka timid dhanka Ukraine balse jihada laga khalday kadib markii jam-elektaroonig uu ku sameeyey militariga Ruushka.

Madaxweynaha Romania Nicusor Dan ayaa bartiisa Facebook ku qoray in tani ay ahayd “dhacdadii labaad ee amni ee toddobaadkan ka dhacday xeebta Romania”.

Horraantii toddobaadkan, ciidamada badda Romania ayaa qarxiyay miino nooca YaRM ah oo Ruushku leeyahay.

Toddobaadkii hore, diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruushka leeyahay ayaa ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaal Romania, taasoo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in dagaalka Ruushku iyo Ukraine oo soo billowday bishii Febraayo 2022 kusii faafo gobolka.