Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay ayaa Sabtidii u gudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Kuuriyada Koonfureed (ADIZ) ee badda bari, sida uu sheegay milatariga Kuuriyadda Koonfureed.

Diyaaradaha Ruushka ayaa la sheegay in ay aaggaas soo galeen abaaro 9.20 subaxnimo xilliga maxalliga ah (GMT0020), sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap ee fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed, iyada oo soo xiganaysa ogaysiis ka yimid madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha.
Diyaaradaha ayaa dib ugu laabtay deegaanada bari iyo waqooyi ee aagga kadib markii ay u gudbeen. Ma aysan ku xad gudbin hawada Kuuriyada Koonfureed.
Kuuriyadda Koonfureed ayaa sheegtay in ay ka war hayeen diyaaradaha ka hor inta aysan galin aagga ayna si degdeg ah u direen diyaaradahooda si ay uga jawaabaan.
Sababta gelitaanka ayaa lagu macneeyay inay ahayd qalad intii lagu jiray tababar ciidan.
Horseed Media