Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Published: September 25, 2022

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dagaalka xilligaan lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobolada ay kusoo biirtay dowladda Turkiga oo taageereysa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Diyaaradaha dalka turkiga ay duqeeyeen goobo ay isku aruursaneen ururka Al-Shabaab, si ay dhibaato u geystaan, isla markaana ay beegsadaan meelaha culeyska weyn laga dareemo.

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka kaas oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Horseed Media