Diyaaradaha culus ee Mareykanka ee nooca B-52 ayaa bilaabay weerar ka dhan ah jamhuuriyadda Iran, iyagoo…

Diyaaradaha culus ee Mareykanka ee nooca B-52 ayaa bilaabay weerar ka dhan ah jamhuuriyadda Iran, iyagoo ka kacaya saldhigga RAF Fairford ee Boqortooyada Ingiriiska, sida laga soo xigtay taliska Maraykanka.
Diyaaradan oo xambaarsan bambooyin culus oo miisaankoodu yahay 2,000 rodol, kuwaas oo lagu hayo dayax-gacmeed (satellite-guided), ayaa lagu dhuftaa meel u jirta bartilmaameedka inta u dhaxaysa 8 ilaa 24 kiiloomitir.
Madaxweyne Trump inkastoo uu sheegay in duqeymaha culus uu hakiyey 5 maalin gudahood, oo ay tahay in wada hadal lagu gaaro, haddana duqeynta B-52 ayaa dilaysa warka Trump.
Dhanka kalena, Bloomberg ayaa werinaysa in Jamhuuriyadda Iran ay ku amartay dhammaan maraakiibta dalalka reer Galbeedka gaar ahaan kuwa kujira NATO inay bixiyaan $2 million oo dollar si ay uga gudbaan marin biyoodka Hormuz.




