Diyaaradaha Maraykanka oo sahay ku daabulay Cal-miskaad.

14 June, 2025

Dowladda Puntland oo kaashanaysa milatariga Maraykanka ayaa ku guulaysatay inay raashin iyo sahay ciidan ka daabusho…

Dowladda Puntland oo kaashanaysa milatariga Maraykanka ayaa ku guulaysatay inay raashin iyo sahay ciidan ka daabusho Magaalada Boosaaso si loo gaarsiiyo Cal-miskaad.

Diyaaradaha xamuulka Milatariga Xambaara ee Maraykanka ayaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ka soo qaaday xamuulkaan iyagoo ka dejiyey goobaha ay ciidamada difaaca dowladda Puntland ku sugan yihiin.

Muuqaalo laga soo duubay furimaha dagaalka ayaa muujinaya diyaaradaha oo agabkaan dusha sare kaga dejinaya goobo uusan gaadiidka dhulku geli karin.