Diyaaradaha Mareykanka oo duqayn ka fuliyay togga Miiraale ee gobolka Bari

26 March, 2025

Duqayntan ayaa lala eegtay xubno ka tirsan argagixisada Daacish.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ee qaybta ka ah hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa xalay duqayn culus ka geystay togga Miiraale ee gobolka bari, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadka kooxda argagixisada Daacish.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee Hillaac ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala eegtay bartilmaameedyo sax ah oo ay isku urursanayeen malleeshiyaadka Daacish.

Laamaha amaanka Puntland iyo dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay waxyeello ka soo gaadhay argagixisadu duqeyntii xalay dhacday balse weli lama xaqiijin inta uu qasaaruhu la egyahay.

Horseed Media