Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa 3-dii September, bilaabay hawlgallo sahamin iyo xog-ururin ah oo laga sameeyey laba…

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa 3-dii September, bilaabay hawlgallo sahamin iyo xog-ururin ah oo laga sameeyey laba deegaan oo ku yaalla Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site, oo soo xigatay saraakiil ka tirsan amniga Puntland.
Saraakiisha ayaa sheegay in Togagga Miraale iyo Togga Baalade la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahno ajaaniib u badan oo katirsan kooxdii lagu jebiyey hawlgalka Hillaac ee Daacish, xilli ay ciidanka difaaca dowladda Puntland weli ka wadaan hawlgallo baadi goob ah.
Intii uu socday hawlgalka sahminta ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa la sheegay inay deegaanka Togga Baalade ku arkeen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo la sheegay inay dameero ku safrayeen, iyadoo deegaankaasi lala beegsaday duqayn diyaaradeed abbaaro 8:30 habeenimo ee 3-dii September 2026.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in hawlgallo kale oo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Mareykanka ay isla maalintaas ka dhaceen dhanka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka howlgalaan dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo Maraykanku ka soo saaray duqaymahaasi.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay inay filayaan in hawlgallada iyo duqeymaha cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ay sii xoogeysan doonaan mustaqbalka dhow, iyadoo Mareykanku muddooyinkii dambe kordhiyey hawlgallada cirka ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee Soomaaliya iyo wadashaqaynta uu laleeyahay Puntland.




