Donald Trump iyo Vladimir Putin oo kulmi doona maalmaha soo socda

7 August, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isku diyaarinaya inay kulmaan “maalmaha soo socda”, weli lama shaacin goobta kulanka.

La taliyaha Madaxweynaha Ruushka, Yuri Ushakov ayaa maanta sheegay in kulanka Trump iyo Putin uu dhici karo horraanta toddobaadka soo socda. Meel ayaa la doortay lagu kulmayo ayuu raaciyay, in kasta oo aan goobta kulanka weli la shaacin.

Gelinkii danbe ee maanta oo Khamiis ah, Putin waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka Carabta kamid yahay meelaha suurtagalka ah ee uu kula kulmi karo Trump, isaga oo ku tilmaamay “meel ku habboon” wadahadallo heer sare ah.

Putin ayaa sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada inuu la kulmo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isagoo sheegay in uusan kasoo horjeedin fikraddaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay in “shuruudo gaar ah la sameeyo” ka hor inta aan la gaarin shirka noocaan oo kale ah.

Zelenskyy wuxuu muujiyay taageerada shir-madaxeedkan oo kale, isagoo ku qoray X in “Ukrayn kama baqeyso shirarka waxaana filayaan sidaas oo kale dhinaca Ruushka”. Waxa uu sidoo kale ku adkaystay in Yurub laga qeyb geliyo dadaallada lagu joojinayo dagaalka.

Rajada shir-madaxeed saddex geesood ah ayaa ka soo baxay wadahadallo uu Moscow kula yeeshay ergayga Mareykanka, Steve Witkoff, oo la kulmay Putin markii shanaad horraantii toddobaadkan.