Donald Trump oo ku dhawaaqay heshiis laga gaarey colaadda Gaza.

9 October, 2025

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in wajiga 1aad ee wada-xaajoodyada nabadda marinka…

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in wajiga 1aad ee wada-xaajoodyada nabadda marinka Qaza, laga gaarey heshiis hordhac ah oo u gogol xaaraya dhabbaha nabadda.

Trump, ayaa sheegay in heshiiskaan oo ka dhacay dalka Masar ay garwadeen ka ahaayeen dalalka Maraykanka, Turkiga, Qadar iyo Masar uu in dagaalka la joojiyo, maxaabiista la is-dhaafsado iyo in ciidamada Israa’iil laga saaro qaybo ka mid ah Qasa.

Heshiiskaan ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen maamulka Yuhuudda iyo dhaqdhaqaaqyada reer Falastiin, waxaana magaaalda Qasa ka dhacay dabaal-degyo lagu soo dhawaynayo nabadda.

Wadahadallada Masar ayaa imanaya labo sano kadib markii Israa’iil ay billowday dagaalka Gasa, iyadoo jawaab uga dhigtay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen illaa 1,200 oo qof ayna afduub ahaan u qabsadeen 251 kale.