Donald Trump oo ku hanjabey inuu markale weerarayo Iiraan.

28 June, 2025

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku gacan seyray sheegashada Ayatollah Ali Khamenei ee ah in…

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku gacan seyray sheegashada Ayatollah Ali Khamenei ee ah in Iiraan ay ku guuleysatay dagaalkii 12-kii maalmood ay kula jirtay maamulka Israa’iil.

Donald Trumo ayaa waxa uu siweyn ugu goodiyey in uu Marakanku uu duqayn doono markale haddii Iiraan ay sii wado bacriminta hubka Nukliyeerka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcihii ku weeraray hogaamiyaha ugu sarreeya Iiraan ee madal uu ku leeyahay baraha bulshada, isagoo ku andacoonaya inuu Khamenei ka badbaadiyay dhimasho aad u daran isla markaana uu ka been sheegay xaqiiqda dhabta ah.

Ayatollah Ali Khamenei, ayaa horay ganafka ugu dhuftay in la waxyeeleeyey goobaha bacriminta Nukliyeerka Iiraan, isagoo sheegay in Iiraan ku gacan sarraysay dagaalka ayna jab xooggan gaarsiiyeen Israa’iil.