Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo kaashanaya Pentagon-ka Maraykanka ayaa bilaabay diyaarinta qorshayaal ku saabsan weerarro milatari…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo kaashanaya Pentagon-ka Maraykanka ayaa bilaabay diyaarinta qorshayaal ku saabsan weerarro milatari oo waaweyn oo suurtagal ah oo lagu qaado Iiraan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda Bariga Dhexe.
Saraakiil katirsan milatariga Maraykanka oo la hadlay Axios ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Mareykanka uu diyaarinayo qorsheyaal cusub, iyadoo aan weli la xaqiijin in Trump uu qalinka ku duugey duullaanka cusub ee lagu qaadayo Iiraan.
Qorshayaasha la diyaarinayo ayaa la sheegay inay ku jiraan weerarro lagu bartilmaameedsan karo xarumaha nukliyeerka Iiraan, kaabayaasha tamarta iyo goobo kale oo istaraatiiji ah, hor doorashada dhexe ee Mareykanka ee 3-da Nofeembar 2026, halka qorshayaal kale ay dhigayaan in la sugo kaddib doorashada.
Xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa sababtay burbur xooggan oo gaaray xarumaha nukliyeerka iyo kaabayaasha militariga Iiraan, iyadoo sidoo kale la dilay saraakiil iyo khubaro muhiim ah, halka Iiraan ay kaga jawaabtay weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka, waxaa kale oo ay saamayn ku yeelatay amniga iyo isu-socodka maraakiibta ee Gacanka iyo Badda Cas, iyadoo korortay cabsi laga qabo in marinnada muhiimka ah sida Hormuz iyo Baab al-Mandab ay carqalad galaan, taasoo saameyn ku yeelan karta qiimaha shidaalka iyo ganacsiga caalamka.




