Donald Trump oo u hanjabey weriyayaal baahiyey xog ku saabsan dagaalka Iran.

7 April, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabey inuu xabsiga dhigi doono weriyihii ugu horreeyey ee soo…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabey inuu xabsiga dhigi doono weriyihii ugu horreeyey ee soo shaaciyey xogta duuliyihii Maraykanka ee la sheegay in laga soo badbaadiyey burburka diyaareed ee gudaha Iran.

Donald Trump oo si gaar ah uga cawday kiisaska quseeya in warbaahintu dhaleeceysay dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan ayaa tilmaamay in weriyahaasi looga baahan yahay caddaynta meesha uu ka helay xogta arrimaha hawlgalka badbaadinta gudaha dalka Iran.

Ka dib markii diyaarad dagaal oo Mareykan ah lagu soo riday Iiraan Jimcihii, dhowr warbaahin ayaa sheegay in mid ka mid ah labada duuliye ee saarnaa diyaaradda si guul leh loo soo celiyay.

Trump ayaa sheegay in shaacinta ay halis gelinayso amniga howlgalka socda ee lagu badbaadinayo duuliyaha labaad, inkastoo sarkaalkaas ugu dambeyntii la soo celiyay, wuxuuna xusay inaysan aqbali doonin tallaabooyinka noocaan ah.