Donald Trump oo xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah

6 June, 2025

Qaaradda Afrika ayaa ah qaaradda ugu badan ee uu saameeyay xayiraadda dhanka socdaalka ah ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Amarka ayaa ka mamnuucaya dadka ka soo jeeda Chad, Congo-Brazzaville, Equatorial Guinea, Eritrea, Libya, Somalia iyo Sudan – iyo sidoo kale Afghanistan, Myanmar, Haiti, Iran iyo Yemen – inay soo galaan Maraykanka.

Waxaa lagu wadaa in uu dhaqan galo maalinta Isniinta ah.

Intaa waxaa dheer, waxaa jiri doona xayiraad dhanka socdaalka ah oo lagu soo rogayo muwaadiniinta Burundi, Sierra Leone, Togo, Cuba, Laos, Turkmenistan iyo Venezuela – ma awoodi doonaan inay ugu safraan Mareykanka fiisooyinka gaar ah.

“Ma ogolaan doono in dadka doonaya in ay dhibaato noo geystaan ​​dalkeenna,” ayuu Trump ku yiri muuqaal la soo dhigay X.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in liiska dib loo eegi karo haddii “horumar” la sameeyo oo dalal dheeri ah lagu dari karo iyadoo “khatartadu ay uga imaaneyso adduunka oo dhan”.

Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga falcelisay xayiraada dhanka socdaalka ah, iyadoo isla markiiba ballan qaaday inay kala shaqeyn doonto Mareykanka wax ka qabashada arrimaha ammaanka.

War qoraal ah oo uu soo saaray safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan Cabdi, ayuu ku sheegay in dalkiisu “uu qiimeeyo xiriirka soo jireenka ah” ee uu la leeyahay Mareykanka.