Xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia, kuwa heer Puntland, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin xilal ka haya xukuumadda Puntland ayaa…

Xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia, kuwa heer Puntland, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin xilal ka haya xukuumadda Puntland ayaa aragtiyo kala duwan uga hadlay aragti uu doorashada Puntland ee 2029 ka dhiibtey ganacsade Jaamac Salaad Dhegadheere.
Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere ayaa maalin ka hor munaasabad uu ka qaybgelayey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay, “kuwa kuriga odayga raadinayow, anagu hadaan nahay reer Nugaaleed odayga (Deni) waa daysanay oo isagaa kursiga noogu fadhiya”.
Arrintaan ayaa abuurtay dood xooggan iyadoo xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Yare) oo katirsan golaha shacabka Somalia sheegay in doorashada 2029 ay tahay doorkii gobolka laga soo doorto ee Mudug ayna soo socdaan jilib culus siyaasadeed oo reer Mudug ah sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan arkayay nin oday ah oo saaxiibkey ah oo leh, anaga reer Nugaaleed ah Siciid Deni, kursiga waa u daynay isagaa noogu fadhiyaya, waxaan leeyahay adeer 2029 waa sanadkii Qoodha, ee maydka culeyskiisa iska dhin”, Ayuu yiri xildhibaan Sanyare oo katirsan golaha shacabka muddo xasaanadeedkoodu gabaabsiga yahay ee Somalia.
Xildhibaan Sheekh Adduun oo katirsan barlamaanka Puntland ayaa xusay in gobolada Bari iyo Sanaag “Bar-san” ay weli soo jeedaan,“Xildhibaan Sanyare wuxuu ku riyoonayaa 2029, in la riyoodo waxa ka horreysa in la seexdo, wixii aan shalay ka diidnay Nugaal, ka yeeli mayno Mudug”, Waxaana faalladda barsan la qaba xildhibaan Suldaan Bashiir oo katirsan barlamaanka Puntland isagoona sheegay, “Barsan weli waa soo jeedaa, ma seexan”.
Dhanka kalena, Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Puntland Axmed Jaamac Jawle ayaa yiri,“Nin aragti dheer, maalin dhaw looma qariyo; 2024 waa dhacday, 2029-na waa muuqataa.” QOF IYO COD. “Nina yuusan ku naaloon wadadii lagu soo daalay.”
Arrintaan ayaa muujinaysa in doorashada Puntland ay noqotay mid ka xiiso baddan midda dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo bilo kooban ka dhimman yihiin halka doorashada Puntland ay ka dhimman yihiin wax ka badan saddex sano.



