Doon Tahriibayaal sida oo ku qalibmatay Badda Mediterranean-ka

6 April, 2026

Doontan ka baxday Liibiya ayaa siday in ka badan 100 qof.

32 qof ayaa laga soo badbaadiyay in ka badan 100 qof ayaa la rumeysan yahay inay saarnaayeen doontan qalibmatay.

Doonta yar ayaa Sabtidii ka baxday Liibiya waxayna ku degtay aag badda Liibiya.

Muuqaallo la duubay ayaa muujinayay ilaa 15 qof oo ku dheggan doonta rogmatay.

Hay’adda aan dawliga ahayn ee Jarmalka ee Sea-Watch ayaa sheegtay in laba markab ganacsi oo marayay ay badbaadiyeen dadkii badbaaday waxayna u qaadeen jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa – oo ah meel muhiim ah oo ay ka soo galaan Yurub muhaajiriinta ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

Sea-Watch waxay sheegtay inay dhacdada ka kormeertay hawada si ay gacan uga geysato isku-dubaridka samatabbixinta.

Ugu yaraan 683 muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay ama la waayay isku daygoodii ay ku doonayeen inay uga gudbaan badda Mediterranean-ka sannadkan, sida laga soo xigtay xogta Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay.