Door noocee ah ayey haweenka Puntland ka qaataan nabadaynta colaadaha.

26 January, 2026

Haweenka Puntland waxay door muhiim ah ka soo qaateen nabadaynta, xallinta khilaafaadka, dhismaha dowladnimada iyo u…

Haweenka Puntland waxay door muhiim ah ka soo qaateen nabadaynta, xallinta khilaafaadka, dhismaha dowladnimada iyo u adkaysiga bulshada ee xaaladihii adkaa ee dadku soo maray kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Unuglaanshaha colaadaha sokeeye, qalalaasaha siyaasadeed iyo deganaansha la’aanta xilliyada qaar ayaa haweenka ka dhigtay kuwa laba jibbaarey dedaaladooda xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta si loo helo xal waara iyo mustaqbal nabdoon oo carruurtoodu kunoolaadaan.

Laga soo bilaabo dhismihii Puntland 1998 haweenku waxay door weyn ka qaateen nabadaynta dagaal beeleedyo ka dhacay gobolada Bari, Karkaar, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, oo ay ugu dambeeyeen Dureera & Roox oo xilligaan dedaaladoodu yihiin kuwa socda.

Ka sokow nabadaynta beelaha haweenku waxay kaalin ka qaateen xakamaynta khilaafyada u dhexeeya siyaasiyiinta hubaysan, sida dagaaladii u dhexeeyey Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac, dagaalkii Garoowe ee 2023 iyo kuwa suxul lagu dhammeeyey kahor inta aysan gacan hadal gaarin.

Inkastoo aysan haweenku door muuqda ku lahayn shirarka go’aan gaarista, haddana waxay siweyn uga dhex muuqdaan baajinta colaadaha iygaoo gaara goobaha dagaalka, iyagoo dhinacyada is-haya dumarka uga dhega nugul yihiin ragga, sida uu sheegay nabadoon Abshir Cali Halow.

“Daminta colaadaha waxaa siweyn uga qayb qaata dumarka, weliba dadka is hayaa iyagay aad ugu dhega nugul yihiin oo wax ka maqlaan hadday iyagoo garba-saarta tuuraya dhex galaan waa joojiyaan dagaalka laakiin ragga waa canaadaan, odayaashu waa ku guubaabiyaan gabdhaha inay meeshay waxka qaban waayaan yiraahdaan gabdhaw meeshaas aada waana ogol yahay dhaqanku, waxaan weliba ku talinayaa gabdhuhu inay ka qaybgalaan meelaha go’aamada lagu gaarayo ama dhinaca siyaasadeed ha noqoto ama dhinaca nabadaynta”, Ayuu yiri Nabadoon Abshir Cali Halow.

Ka maqnaanshaha miisaska go’aan gaarista iyo inaan talada kama dambaysta ah qoondo laga siin haweenka kama horjoogsan inay sii wadaan dedaalada nabadda waana kuwa ragga weli uga dhaw daminta colaadaha iyo joojinta colaadaha ay raggu ku guul-darraystaan, sida ay sheegtay Xaliimo Cali Warsame oo kamid ah aasaasayaashii Puntland.

“Haweenka Soomaaliyeed haddii ay isku xilqaamaan dagaalada waa joojin karaan qoriga wiilkeeday ka qabanaysaa, walaalkeeday ka qabanaysaa, abtigeeday ka qabanaysaa labadii reerba waa kujiraan, anigu waxaan u soo joogey 35 dumar ah oo gaarey meeshii dagaalku ka socdey oo maara laga waayey labadii beeloodba waa u tageen gambaday tuureen shirkii deg deg ayey u aqbaleen laakiin goobaha go’aan gaarista wax door ah lagama siiyo laakiin masraxyada ayey diyaariyaan kaliya, middaan ka shaqaynay gabagabadeedii laba kelmedood oo aan go’aan gaaris ahayn ayey naga siiyeen”, Ayey tiri Xaliima Cali Warsame.

Aamina Maxamed Cabdulqaadir, oo ah cilmi-baare katirsa hay’adda PDRC oo ka shaqaysa arrimaha nabadda ayaa Horseed Media u sheegtay in haweenku door weyn ka qaataan ka hortagga colaadaha, joojinta dagaalada iyo u gogol-xaarka wadahadalada.

“Dumarka doorkoodu wuxuu u badan yahay mid dadban oo ah in marka ay dhibaatadu dhacdo ay nabadda bisleeyaan oo u gogol xaaraan iyo marka laysu yimaado shaqadii hoose oo aan ka ahayn in miiska la soo fariisto oo la wadahadlo inay diyaariyaan. Markay colaaduhu dhacaan oo qoryaha laysu qaato dumarku waxay dhexgalaan dhinacyada dagaalamaya iyagoo calamo cadcad qaadanaya oo maraday wilfiyaan waxay u sheegeen ragga inay yihiin wiilashoodii mana joojiyaan ilaa ay xabaddu joogsato, kadibna waxay wiilasha ogolaysiiyaan inay dagaalka joojiyaan oo la wada hadlo, Marka wadahadaladu bilowdaan cilladda jirta waxa weeye miiska ma tagaan oo guddiyada laguma daro dhaqanka iyo dowladda oo shaqadaa qabtana kuma jiraan, miiska marka la yimaado rag baa kuwada hadla waxa lagu heshiiyana waa wax ay raggu isla ogolaadaan”, Ayey sheegtay Aamino Maxamed Cabdulqaadir.

Waxaa qoray: Zamir Mohamud Ali