Doorashada Golaha Deegaanka Banaadir oo Dib Loo Dhigay mar kale.

14 October, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhigay waqtigii lagu waday…

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhigay waqtigii lagu waday in lagu qabto doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir. Guddigu ayaa horey labo jeer u shaaciyay jadwalka doorashada, waxaana markii ugu dambeysay lagu qorsheeyay in la qabto 30-ka bishan Oktoobar, balse hadda ayaa si rasmi ah loo sheegay in loo raray 30-ka bisha Nofembar ee soo socota.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir la qaban doono dhammaadka bisha Nofembar ee sanadkan 2025, magaalada Muqdisho. Wuxuu ku baaqay in shacabka caasimaddu ay isu diyaariyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen codeynta qof iyo cod, isagoo tilmaamay in diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ay dhammaatay 30-kii September.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in gobolka Banaadir ay iska diiwaan geliyeen dad ku dhow hal milyan oo ruux, isla markaana howlaha diiwaan-gelinta hadda laga bilaabay degmooyinka Laascaanood iyo Xudur, oo ka tirsan maamulada SSC-Khaatumo iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in geediga diiwaan-gelinta doorashooyinka dalka uu meel wanaagsan marayo, ayna socdaan qorshayaal lagu ballaarinayo gobollada kale ee dhexe.

Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ugu baaqay ururada siyaasadeed inay soo dhammaystiraan shuruudaha sharci ee lagu ansixinayo si ay uga qeyb galaan doorashada, halka uu shacabka is diiwaan geliyayna ku dhiirrigeliyay inay isku diyaariyaan codbixinta iyo kala xulashada ururada siyaasadeed ee is diiwaan galiyay.

Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa wali la kulmaya mucaarad xooggan, iyadoo dad badan ay dhaliil u jeedinayaan habka ay dowladda u wajahayso doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka mid ah kuwa sida adag uga soo horjeeda qorshaha dowladda, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doonayo in uu muddo kororsi ku sii joogo talada dalka.