Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho ka Dhacaysa.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka…

10 August, 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib muddo dhawr bilood ah oo ay kumeel gaar xilka u haysay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Xilka guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya waxaa siweyn ugu loolamaya laba musharax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ay wadato Villa Somalia iyo Cabdullaahi Cumar.

Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bannaanaaday kadib markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ahaa guddoomiyihii Baarlamaanka, loo doortay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo xilka wareejiyey 20 June 2026.

Doorashada guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaysa xilli Baarlamaanka Federaalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan kadib doodihii xoogganaa ee ka dhashay wax-ka-beddelka Dastuurka iyo muddada xilhaynta hay’adaha dowladda, kadib markii lagu dhawaaqay dhaqangelinta waxka-beddelkii dastuurka oo dhigaya in muddada xilhaynta dowladdu tahay 5 sano.