Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta looga madlan…

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta looga madlan yahay doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay ku soo jeedaan natiijada kasoo bixi doonta tartanka adag ee u dhexeeya musharaxiinta ugu cadcad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee aan weli iska casilin xilkiisa, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa loo arkaa musharaxa ugu cadcad kursiga madaxtinimada Koonfur Galbeed, maadaama uu taageero muuqata ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si weyn ugu lug leh abaabulka geeddi-socodka doorashada.
Aadan Madoobe ayaa waxa uu wajahaya loolankii ugu adkaa oo uga imanaya Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Siyaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo weli saameyn xooggan ku leh siyaasadda iyo beelaha dega deegaanada maamulkaasi.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dadaal xooggan gelisay sidii kursiga loogu soo saari lahaa Aadan Madoobe, iyadoo doorashadan loo arko mid saameyn ku yeelan karta jihada siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.
Ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in dowladda ay ka walaacsan tahay codbixinta qarsoodiga ah ee xildhibaannada, maadaama ay jirto cabsi ah in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ay si ka duwan filashada u codeeyaan marka ay galaan goobta codbixinta.
Dhanka ammaanka, Baydhabo waxaa si weyn loo adkeeyay sugidda amniga, iyadoo ciidamada ammaanka maamulka iyo kuwa dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegeen goobaha muhiimka ah, iyadoo la weriyey in diyaarado iyo ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalada, iyadoo laga taxadarayo khatar kasta oo amni ama qalalaase siyaasadeed oo ka dhasha natiijada doorashada.




