Mas’uuliyiinta Gaza ayaa ku tilmaamay codbixinta Deir el-Balah inay tahay “tijaabo”, halka Daanta Galbeed ee la haysto ay sidoo kale ka dhacayso doorashooyinkii ugu horreeyay tan iyo dagaalkii 2023.

Falastiiniyiinta ku nool bartamaha Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ayaa bilaabay inay ka codeeyaan doorashooyinka degmooyinka, taasoo ah codbixintii ugu horreysay ee deegaanka ee la qabto tan iyo markii Israa’iil ay bilowday dagaalkii xasuuqa ahaa ee ay ku qaadday Gaza.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7dii subaxnimo (saaka) Sabtidii, waxaana codkooda ka dhiibanaya 70-kun codbixiye oo ka diiwaangashan degmada Deir el-Balah ee Gaza, taasoo ah doorashadii ugu horreysay ee ka dhacda deegaanka la go’doomiyay muddo 20 sano ah.
Codbixinta hal magaalo oo ku taal Gaza ayaa ah mid tijaabo ah.
Degmada Deir el-Balah waxaa loo doortay inay doorashadda ka dhacdo, sababtoo ah waa mid kamid ah goobaha yar ee Gaza oo aan ciidamada Israa’iil wadda burburin.



