Qaar kamid ah bulshada deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa subaxnimadii hore ee saaka u dareeray…

Qaar kamid ah bulshada deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa subaxnimadii hore ee saaka u dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo ay soo qaban qaabisay dowladda federalka ah ee Somalia.
Doorashadaan oo ah mid isku-sidkan ayaa lagu soo saari doonaa xubnaha golayaasha deegaanka iyo xildhibaanada heer dowlad goboleed, iyadoo uu awoodda ugu badan lee yahay xisbiga dowladda ee JSP oo uu Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe.
Baydhabo iyo Baraawe oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Koonfur Galbeed ayaa codbixintu ka bilaabatay xilli hore oo saaka ah, waxayna socon doontaa ilaa 12-ka maqribnimo, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia.
Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa doonaysa inay Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ka soo saarto madax taageersan qorshayaasheeda kalana shaqeeya arrimaha doorashooyinka heer federal ee 2026.



