Doorka shirkadda GOLIS ee horumarinta ciyaaraha Puntland.

9 March, 2026

Golis Telecom Somalia, waa shirkadda ugu weyn  geyiga Puntland, waxaana la aasaasay sannadkii 2002-dii, waxaana xarunteeda…

Golis Telecom Somalia, waa shirkadda ugu weyn  geyiga Puntland, waxaana la aasaasay sannadkii 2002-dii, waxaana xarunteeda ugu weyn ku taal Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ka sokow doorka isgaarsiinta Shirkaddu waxay kaalin wayn ka qaadataa horumarinta bulshada, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, taageerada dhalinyarada, kobcinta aqoonta iyo dhammaan adeegyada aasaasiga ah bulshada deegaannada Puntland iyo kuwa Soomaaliya.

Qormadaan kooban waxaan ku dul-joogsan doonaa doorka shirkadda Golis ka qaadato horumarinta dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee ciyaaraha guud ahaan deegaamada Puntland.

Golis Telecom Somalia, ayaa tan iyo aasaaskeedii ahayd maalgeliyaha 1aad ee tartanka kubadda cagta gobolada Puntland, horyaalka heerka 1aad (Zera A) ee kooxaha Puntland, tartamada degmooyinka, kooxaha heerarka kala duwan ee heer gobol, tarmada munaasabadaha gaarka ah iyo kuwa la qabto bisha barakaysan ee Ramadan.

1. Taageerada Koobka Gobollada Puntland

Koobka gobollada Puntland oo ay ku beretamaan sagaalka gobol ee kala ah Mudug, Cayn, Nugaal, Sool, Karkaar, Sanaag, Bari iyo Raas-casayr, waxay shirkadda Golis muddo dheer ka taageeraysay dhinacyada,

  • Taageerada dhaqaalaha
  • Ka qayb qaadataa abaabulka iyo dhiirrigelinta dhalinyada
  • Bixinta abaalmarinada kala duwan

2. Taageerada Horyaalka Zera A

Horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Puntland (Zera A), oo kamid ah kuwa ay taageerada ka geysato shirkaddu waxaa loo qabtaa kooxaha heerka 1aad ee gobolada, si kor loogu qaado xirfadda ciyaaryahanada iyadoo ay ka qaybgalaan ajaaniib iyo ciyaartooy ka kala yimaada dalka iyo dibaddiisa.

Shirkadda Golis ayaa taageerta

  • Taabagelinta tartanka
  • Taageerada dhinacyada isgaadhsiinta
  • Taageerada dhinaca dhaqaalaha
  • casriyeynta adeegyada garoomada iyo dhinacyo kale

3. Tartamada Kubadda Cagta ee Bisha Ramadan

Guud ahaan magaalooyinka Puntland bisha barakaysan ee Ramadan waxaa lagu qabtaa tartamo lagu dhiirigelinayo dhalinyarada xirfadleyda ah iyo kuwa cuslaaday, waxaana shirkadda Golis ku bixisaa taageero dhaqaale, mid qalab iyo mid dhiirigelineed isugu jirta.

4: Tartamada Munaasabadaha gaarka ah.

Dhanka kalena, shirkadda Isgaarsiinta ee Golis waxay taageero maaliyadeed, mid farsamo, mid qalab iyo dhiirigelineed ku bixisaa ciyaaraha munaasabadaha gaarka ah ee loo qabanayo kooxaha heerarka kala duwan ee ka dhisan Magaalooyinka Puntland, si loo dhiirigeliyo korna loogu qaado xirfadda ciyaartooyda deegaamada Puntland.