Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) ayaa shaacisay inay Puntland kala wareegayso boqolaal dhallinyaro ah oo la…

Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) ayaa shaacisay inay Puntland kala wareegayso boqolaal dhallinyaro ah oo la sheegay inay ku jireen safarro tahriib ah, kuwaas oo la soo badbaadiyey ka hor intii aysan wajihin khataro la xiriira tahriibka. Wasiirka Madaxtooyada DDS, Xuseen Qaasim, ayaa sheegay in maamulka Puntland ay kala shaqeeyeen hawsha badbaadinta dhallinyaradan.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyey Puntland doorkii ay ka qaadatay soo samatabixinta carruurta iyo dhallinyaradaasi, isagoo xusay in dowladda DDS ay qorsheynayso in dhammaan dadka la soo celiyey lagu wareejiyo waalidiintooda si dib loogu mideeyo qoysaskooda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in maamulka DDS uu waalidiinta kala shaqayn doono sidii xal waara loogu heli lahaa mustaqbalka dhallinyaradaas. Waxa uu tilmaamay in kuwa u baahan waxbarasho dib loogu celin doono goobaha waxbarashada, halka kuwa kale loo abuuri doono fursado dib-u-dejin iyo nolol ay si caadi ah ugu sii wataan deegaannadooda.
“Waxaan Dawlad-gobaleedka Puntland uga mahad celinaynaa in ay nagala shaqeeyeen sidii loo soo badbaadin lahaa caruur iyo dhalinyaro la tahriibinayay oo qarka u saarnayd in la haligo; carruurta iyo dhalinyaradaba waxay dawladdu ku wareejin doontaa waalidiintooda. Waxaan waalidiinta ka wada shaqayn doonaa sidii dhalinta loo siin lahaa waxbarasho inta u baahan, inta kalana loogu abuuri lahaa dib u dajin ay kusii wataan nolashooda caadiga ah sida dhalinta kale ee deegaanka ku sugan”, Wasiirka Madaxtooyada DDS Xuseen Qaasim.



