Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay Shirka soo bandhigidda Siyaasadda Sanduuqa Iskaashiga…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay Shirka soo bandhigidda Siyaasadda Sanduuqa Iskaashiga Dowladaha Hoose iyo Waafajinta Sanduuqa guud ee Puntland ( Puntland Development Fund)
Shirka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayay siyaasadda Sanduuqa Iskaashiga Dowladaha Hoose, iyadoo xooga la saarayo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, loona waafajin lahaa Sanduuqa guud ee Puntland (PDF) si loo dardargeliyo horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa adkeeyay muhiimadda Sanduuqa Horumarinta Puntland, isagoo tilmaamay in sanduuqani uu door muhiim ah ka qaadan doono dib u habaynta iyo ballaarinta ilaha dhaqaale ee Puntland. Isla markaana uu suurtagelin doono in la helo maalgelin joogto ah oo lagu taageero mashaariicda horumarineed ee Puntland.






