Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay shirka Golaha Mustaqbalka ee maalmahan ka socday magaalada Kismaayo,…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay shirka Golaha Mustaqbalka ee maalmahan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo jawaabta rasmiga ah uu bixiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Hadalka wasiirka ayaa yimid xilli shirkaasi ay ka soo baxeen warmurtiyeedyo ay mucaaradku kaga hadlayeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalku ay marar kala duwan gogol wadahadal u fidisay hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shirar wadatashi la yeeshay dhinacyo kala duwan tan iyo markii uu xilka qabtay. Waxa uu xusay in kulamadaasi ay qaarkood miro dhaleen, halka kuwo kalena ay ku kala aragti duwanaadeen ka qaybgalayaashii.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in hoggaamiyeyaal hore uga qayb qaadan jiray Golaha Wadatashiga Qaranka ay marar kala duwan ka baaqdeen ama ka tageen shirar uga socday Villa Soomaaliya, xilli dowladdu ay weli ku adkeysaneysay muhiimadda wadahadalka iyo is-afgaradka siyaasadeed. Dowladda ayaa ku doodeysa in albaabka wadahadalku u furnaa dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Dhanka kale, shirka Golaha Mustaqbalka ee Kismaayo ayaa waxaa ka qayb galay siyaasiin mucaarad ah iyo madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ku baaqay in la helo madal siyaasadeed oo mideysa aragtida mucaaradka, isla markaana xal looga gaaro khilaafaadka taagan, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn, shirkaasi ayaa ku soo dhammaaday baaq loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu dalbaday in muddo bil ah gudaheed uu ku qabto shir qaran oo xal loogu raadinayo xaaladda guud ee Soomaaliya, si gaar ahna diiradda loogu saaro arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ah qodobka doodda ugu culus ee haatan ka taagan masraxa siyaasadda dalka.



