Dowladda Federaalka oo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland uga digtay Dagaal ka dhaca Gedo.

7 August, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah eedeyn ugu jeedisay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah eedeyn ugu jeedisay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyadoo ku eedeysay inuu door weyn ku leeyahay abaabulka iyo hurinta falal amni darro oo ka socda gobolka Gedo.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in Maxamuud Sayid Aadan lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyo colaadeed oo lagu qalqalgelinayo xasiloonida gobolka islamarkaana uu yahay shaqsi horey gacanta ugu lahaa falal la mid ah.

Wasaaradda ayaa ku tilmaantay Maxamuud Sayid Aadan mid fure u ah kooxo qaswadayaal ah oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaasoo lagu eedeeyay inay hurinayaan xaalado keeni kara dagaal sokeeye iyo kala fogaansho dheeraad ah oo gobolka ah.

“Ciidamada Dowladda Federaalka waxay si buuxda ugu sugan yihiin gobolka Gedo waxayna wadaan howlgallo looga hortagayo khataraha amni iyadoo shacabka deegaanka ay gacan buuxda ka siinayaan dowladda federaalkuna tallaabo sharci ah ayay ka qaadi doontaa cid kasta oo sii wadda falalkan lagu tuhmayo” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka.

Eedeyntan culus ayaa imanaysa xilli gobolka Gedo uu markale galay marxalad xasaasi ah oo ay ciidamo ka kala tirsan Dowladda Federaalka Jubbaland iyo kuwa Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gaar ahaan magaalada Baladxaawo oo la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Jubbaland oo colaadda gobolka Gedo ku eedaysay Masar iyo Eritrea.