Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay israsaasayntii ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda halkaas…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay israsaasayntii ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda halkaas oo dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka. Dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxayna cambaareysay falkaas iyadoo ku eedeysay mucaaradka inay qalqal ku abuurayaan amniga caasimadda.
Qoraal kasoo baxay dowladda gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in falalka noocan oo kale ah ay yihiin kuwo lid ku ah jiritaanka dowladnimada iyo amniga shacabka Soomaaliyeed. Dowladda ayaa ku dhaliishay xubno siyaasiyiin ah inay isku dayeen xoog kula wareegidda saldhig boolis, taas oo ay ku tilmaantay ficil khatar ku ah kala dambeynta iyo sharciyadda dalka.
Dowladda ayaa xustay inay ka xun tahay in siyaasiyiin doonaya qabashada talada dalka ay u gacan qaadaan sidii ay u daadin lahaayeen dhiigga shacabka iyo ciidanka qalabka sida, kuwaas oo ku hawlan difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Dowladda ayaa sheegtay in masuuliyadda dhacdadaasi dusha loo saari doono cid kasta oo ku lug yeelatay.
Dowladda ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta mucaaradka iyo cid kasta oo khalkhal gelinaysa amniga inay ka waantoobaan falalka guracan, islamarkaana ay u hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan. Dowladda ayaa ku adkaysatay in amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka aan lagu ciyaari karin siyaasad iyo dano gaar ah.
Ugu dambayn, dowladda federaalka ayaa caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda. Waxay sidoo kale ku adkaysay in lala xisaabtami doono cid kasta oo isku dayda inay wax u dhimto amniga iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.




