Dowladda Federaalka oo shaacisay mashruuc waddo iyo buundo oo laga hirgelinayo Hargeysa

Hargeysa — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bilowday hannaanka heshiiska naqshadeynta iyo daraasadda mashruuc weyn oo kaabayaal dhaqaale ah oo laga hirgelinayo magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku jirto dhismaha waddo dhererkeedu gaarayo ku dhowaad 45 kiiloomitir.

7 August, 2026

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in wejiga koowaad ee mashruuca lagu dhisi doono 23 kiiloomitir oo waddo ah, kuwaas oo ka bilaabanaya magaalada Hargeysa.

Mashruuca ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah dhismaha Buundaweyn, oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee wejiga koowaad. Wasiirka ayaa sheegay in kharashka lagu maalgelinayo mashruuca lagu qiyaasay ku dhowaad 20 milyan oo doolar.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay Mashruuca Nagaad, oo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka fulinayso deegaanno ka tirsan Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo Bangiga Adduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay sidoo kale waddo mashaariic kale oo kaabayaal ah, iyadoo hadda gacanta ku haysa hirgelinta ku dhowaad 89 kiiloomitir oo waddooyin ah oo laga fulinayo Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Somaliland.

Sida uu sheegay wasiirku, mashaariicdan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka waddooyinka dalka.

Mashruuca cusub ayaa la filayaa inuu diiradda saaro horumarinta isku socodka iyo kaabeyaasha gaadiidka ee Hargeysa iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan jadwalka dhismaha iyo muddada uu qaadanayo mashruucu aan lagu sheegin warbixinta.